Daawo Sawirada Xeer Ilaaliyihii Guud ee dalka Masar oo Qarax Xoogan lagu dilay

Daawo Sawirada Xeer Ilaaliyihii Guud ee dalka Masar oo Qarax Xoogan lagu dilay

daajis.com:- Xeer Ilaaliyihii Guud ee dalka Masar Hisham Barakat, ayaa goordhaw u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray qarax maanta lala eegtay gaari uu la socday.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa markii hore a sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray Hisham Barakat, hasa ahaatee Masuuliyiin sar sare oo katirsan Dowlada Masar ayaa Wakaaladaha Warar u xaqiijiyay in uu geeriyooday Xeer ilaaliyaha.

Hisham Barakat, ayaa marar badan loogu hanjabay in la dili doono, waxa uuna Xeer ilalaiayah maanta qaraxa lagu dilay xukuno badan ku diray dad lagu soo eedeeyay falal argagaxiso iyo dad kale badan oo katirsanaa Ururka Ikhwaanul Muslimiin.



Wali ma jirto koox sheegatay Masuuliyada weerarka qaraxa loo adeeggsaday ee maanta lagu dilay Xeer Ilaaliyihii Guud ee dalka Masar Hisham Barakat, waxaana la filayaa in dhawaan Geerida Xeer ilaaliayaha ay war kasoo saarto Dowlada Masar

Hisham Barakat, waxaa xeer ilaaliyaha guud ee Dalka Masar u magacaabay bishii july ee sanadkii 2013-ka Madaxweynihii KMG ahh Adly Mansour , oo xilkaasi qabtay markii la afgambiyay Dowladii sharciga aheed uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Mursi.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada