daajis.com:- Urur weynaha midowga africa ayaa ka horyimid ka qayb qaadashada ay shaqaalahooda ka qayb qaadan lahaayeen kormeeridda, in si xaq ah ay u dhacaan doorashooyinka la qorsheeyay inay ka dhacaan dalkaasi.
Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa dalka Burundi ka dhaceya Doorashada Baarlamaanka, waxaana la filayaa in doorashada Madaxweynaha ay dhacdo 15ka bisha Luulyo.
Horey ayey Midowga yurub iyo beesha caalamka u sheegeen inaysan ka qeyb qaadan doonin kormeerka doorashada Dalka Burundi oo ay ku dhaliileen xukuumada inay cadaadis xoogleh ku heyso mucaaridka iyo shacabka dalkaasi.
Burundi ayaa bilihii lasoo dhaafay ka taagnaayeen xiisado la xariira is qab qabsi Doorashooyin, iyadoo Madaxweynaha dalkaasi uu doonayo inuu mar sadexaad isu soo taago xilka, iyadoo dastuurka dalkaasi uu dhigayo in madaxweynaha labo goor oo kaliya isu soo sharixi karo xilka Madaxtenimada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at