daajis.com:- Sawiro laga soo qaaday Ciyaartoyda xulka England ee da’dooda ka yartahay 21 sanno jirada laguna baahiyay Warbaahinta ugu afka dheer dalkaasi ayaa dhaliyay dood xoogan kadib markii la arkay Ciyaartoyda oo u kala soocan Madaw iyo Cadaan .
Ciyaartoyda Madowga ah iyo kuwa Cadaanka ah ee kawada tirsan xulka England ee da’dooda ka yartahay 21 sanno jirada ayaa kala soocmay dhoor mar gaar ahaan xiliyada la cunteenayo, Xiliyada jirdhiska iyo xiliyada ay nasiinada ku jiraan.
Sawiro lasoo qaaday ayaa muujinaya in Ciyaartoyda Madowga iyo Cadaan ay kala baxsan yihiin ayna qolo walbo ay dhinac is yeeshay iskuna mashquuleen dhaxdooda, waxaana arintaasi dhalisay shaki iyo dood ka dhalatay in uu jiro jinsi naceyb.
Warbaahinta Dalka Ingiriiska ayaana dood ka keenay in ciyaartoy sidaan u da’ yar ay qaabkaan u dhaqmaan, waxaana la tilmaamay in ay arintan ay muujineyso in Britain aysan weli guul ka gaarin isdhexgalka bulshada kala midabka duwan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at