Nabadoon Muumin Barre oo lagu diley magaalada Beledweyne

Nabadoon Muumin Barre oo lagu diley magaalada Beledweyne

daajis.com:- Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay dileen nabadoon Muumin Barre oo ka mid ahaa nabadoonada caanka ah ee magaalada Beledweyne.

Nabadoonka ayaa waxaa toogtay rag ku hubeysan bastoolado  kuwaa oo  ka baxsaday goobtii u dilka ka dhacay, iyadoo markii la dilayay nabadoonku uu ku sugnaa afaafka hore ee gurigiisa.

Lama oga illaa hadda cidda ka dambeysay dilka nabadoonka, waana markii ugu horeysay ee nabadoon lagu dilo magaalada Beledweyne sanadkan 2015ka.Hase yeeshee sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa nabadoono iyo waxgarad kale lagu diley magaalada Beledweyne.

Iyadoo maanta ay ahayd maalintii 3aad ee bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa soo kordhaya weeraro iyo dilal ka dhacaya deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya. Ururka Alshabaab ayaa hore u ballanqaaday in uu kordhin doono weerarada uu qaadayo bisha barakaysan ee Ramadaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada