DAAWO VIDEO:- Tarik Aziz oo ahaa Saaxiibka Saddam Hussein oo Maanta Geeriyooday

DAAWO VIDEO:- Tarik Aziz oo ahaa Saaxiibka Saddam Hussein oo Maanta Geeriyooday

daajis.com:- Tarik Aziz oo ahaa Wasiirkii arrimaha dibadda ee Xukuumaddii Sadaam Xuseen ee dalka Ciraaq, ayaa maanta geeriyooday isagoo da’diisu ahayd 79-jir, kuna jira xabsiga ugu waardiyaha adag ee dalka Ciraaq.

Tarik Aziz ayaa kamid ahaa lataliyeyaasha gaarka ee Madaxweynihii Sadaam Xuseen oo mudo dheer soo wada shaqeeyey, Tarik Aziz ayaa lagu sheegay inuu waligiis ahaa ninka kaliya ee uu aadka ugu Kalsoonaa Sadaam Xuseen.



Taariq Casiis ayaa isu dhiibay Ciidamadii Mareykanka ahaa ee ku duulay dalka Ciraaq sanadkii 2003-dii, wuxuuna intaas kadib ku jirey xabsi. Sanadkii 2010 ayaa maxkamad ku taalla dalkaas ku xukuntay dil toogasho kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira dilal.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada