daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta wafdi u dirtay Magaalada Jigjiga Ee Dowladda Deegaanka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, Wafdigani ayaa waxaa horkacaayay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somaliya, Mahad Maxamed Salaad.
Wefdiga Wasiiru Dowlaha, ayaa waxaa qayb ka ahaa Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo), Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Galgaduud.
Wefdiga Mahad Maxamed Salaad oo maanta ka amba baxay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa inay Magaalada Jigjiga isku soo arkaan Madaxda Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya, si ay uga wada hadlaan dagaalada dadka badani ay ku dhinteen ee ka socda tuulooyinka Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at