Maxaa kala heysta caawa kooxaha Barcelona iyo Juventus ee Finalka Champions League

Maxaa kala heysta caawa kooxaha Barcelona iyo Juventus ee Finalka Champions League

daajis.com:- Kooxaha Barcelona iyo Juventus ayaa caawa isku arkaya ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Horyaalada Qaaradda Yurub ee Uefa Champions League Final, taasoo ka dhici doonta Garoonka Olympic Stadium ee magaalada Berlin.

Labada kooxood ciyaartoydooda ayaa diyaar garow ballaaran ku jira, waxaana ay tababaro ku qaadanayeen garoomada lagu tababarto, ee magaalada Berlin, kadib markii ay halkaas gaareen.

Ciyaartan oo ah mid aad u xiiso badan, si aad ahna loo wada sugayo ayaa labadan kooxood ee ku kala guuleystay Hoyaalada Talyaaniga iyo Spain, waxay fooda isku dari doonaan hanashada koobka Champions League, waana markii u horeysay ee ay Final isaga hor-yimaadaan.

Kooxda Barcelona ayaa 10-kii sano ee u dambeysay ku guuleysatay koobkan saddex jeer, waxaana ay xidigaheeda caanka ah ay doonayaan inay taariikh u dhigaan kubadda caalamka.

Ciyaaryahan Lionel Messi ayaa doonaya inuu ku guuleysto koobkan markii afaraad, isagoo labo jeer oo hore ka qeyb qaatay guushii Kooxdiisa ay Koobabka uga qaaday Manchester United.

Messi ayaana sanadkan wacdaro dhigay, isagoo kooxdiisa u qaaday Horyaalka Spain iyo Koobka Copa Del Rey, waxaana uu dadaal ugu jiraa in koobkii saddexaad uu u qaado.



Kooxda Juventus ayaa iyana dooneysa inay koobkan oo ay sanado badan ugu dambeysay inay qaado, waxaana aad isha loogu heyn doonaa xidigaheeda Tevez oo wacdaro ka soo dhigay ciyaarihii u dambeeyay Moratta oo soo reebay kooxdiisa hore iyo Andrea Pirlo.

Kabtanka Kooxda Juventus Gianluca Buffon ayaan waligiis qaadin koobkan, waxaana 10-sano kadib uu ku laaban doonaan Garoonka Berlin, halkaasoo uu ku qaaday koobkii adduunka ee sanadkii 2006-dii.

Buffon ayaa mar uu wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Berlin waxaa uu sheegay inay celin doonaan Barca oo ay ku hanweyn yihiin inay ku guuleystaan Koobkan.

Sidoo kale Tababare Alegri ayaa sheegay in wax kasta oo suura gal ah ay sameyn doonaan, sidii ay ku celin lahaayeen Messi.

Juventus ayaa waxaa ka maqnaan doona Chielini oo dhaawac ku seegaya, waxaana ay is arki lahaayeen Suarez oo sanadkii hore koobkii adduunka ee brazil lagu qabtay ay dhex martay dhacdo aad loo xusuusan doono, markii uu Suarez qaniinay Chiellini.

Sidoo kale waxaa iyana meesha ku jirta xafiiltanka u dhaxeeya Parice Evra iyo Suarez oo horay ugu soo ciyaaray kooxaha Manchester United iyo Liverpool, isla markaana uu dhex maray dagaal afka ah, cunsurnimo uu sameeyay Suarez.

Si kastaba ha ahaatee waxaa ciyaarta caawa ee Finalka ay tahay mid aad loo wada sugayo, adduunka oo dhana si aad ah loogaga xiisayo, iyadoo taageerayaasha labada kooxood ay dhararayaan ciyaarta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada