daajis.com:- (Cadceed) – Itoobiya oo ka mid ah dawlada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya xuduud aad u dheerna la wadaagta, ayaa ka hadashay qaabka ay uga hor tagto in Al-shabaab weeraro ka fuliyaan gudaha dalkeeda.
Danjiraha dawlada Itoobiya u fadhiya dalka Kenya Dina Mufti oo la hadlay wargayska The Standard ayaa sheegay in dawladiisa ay qaaday talaabooyin adag oo ay hortagayso inay dhulkooda ka ilaaliyaan Al-Shabaab.
“Annagu waxaan Soomaaliya la leenahay xaduud ka dheer tan ay Kenya la wadaagto Soomaaliya, haddana nooma yimaadaan oo nama weeraraan argagixisadu sababta ma taqaanaan, waxa weeyaan muwaadin kasta oo Itoobiyaan ah waa sarkaal nabad sugida ka tirsan” ayuu yidhi Dina Mufti.
Mufti waxaa uu sidoo kale sheegay in dadka degan dhulka xaduuda ka tirsan ay wada shaqayn wanaagsan la leeyihiin hay’adaha amaanka waxa ay tuhmaana ay dawlada ku wargaliyaan sida uu yidhi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at