daajis.com:- C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Amniga Somaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inaanay dalalka deriska ku soo xadgudbi karin xuduuda Somaliya.
Wasiirka, ayaa yiri “Xukuumadda Somaliya waxay aaminsan tahay in wadan jaar nala ah uusan ku soo xadgudbi karin xuduuda wadanka Somaliya. Hal taako uma ogolaanayno cid ku soo xadgudubto xuduuda wadanka Somaliya.”
Mar uu ka hadlaayay darbiga ay Kenya doonayso inay ka hirgeliso xuduuda ay Somaliya la wadaagto, ayuu sheegay inaanay taasi waxba ka qaban karin arrimaha ammaanka.
“Arrinta ku saabsan dhisidda darbiga ay Dowladda Kenya qorsheynayso inay jirto, waxaan aaminsanahay inuusan waxba ka tareynin suggida amniga.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Somaliya.
“Waxaan aaminsanahay inuu dhibaato badan abuuraayo, mana aha wado ama tallaabo sax ah, oo loogaga hortaggi karo amni darada ay wadaan Shabaab.” Ayuu yiri Wasiirka.
Shacabka Somaliyeed, ayaa waxay si xoogan kaga horyimaaden warar toddobaadkii hore soo baxay, oo sheegaayay in Kenya ay xuduuda doonayso inay ka xariiqdo gudaha Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, xilli ay ka soo gudubtay goobtii labada dalka kala qaybinaysay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:47 and have
, Published at