daajis.com:- Wasaarada Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in lasoo xiray dad magacyada masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku isticmaalaayay baraha Bulshada ay kuwada xiriirto.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay in Hay’adaha ammaanka ay qaadeen tallaabo lagu soo xiray shaqsiyaad caadeystay inay magacyada masuuliyiinta Dowladda ku isticmaalaan Baraha Bulshada.
Wuxuu sheegay in saddex ruux gacanta lagu soo dhigay mid kalena lagu raadjooga oo dalka dibadiisa ku maqan sida uu yiri.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in Hay’adaha Dowladda ay baaris ku wadaan shaqsiyaadkaan, kadibna maxkamad lasoo taagi doono.
“Hay’adaha waxa ay soo ogaadeen shaqsiyaadka isticmaala baraha bulshada ee lagu aflagaadeynaayo Madaxda dowaldda ilaa iyo hadda, hay’aduhu waxa ay ogaadeen IP address-yada laga isticmaalo cinwaanada aan kuu sheegay, telefanadooda, dadkaasi ayaa kala ah, mid lagu magacaabo Cumar Xaayow Calas oo runtii ah ninka ugu horeeya ee ku shaqeysta blackmail, iyo sidoo kale nin la yiraahdo Cali Cabdi Wardheere “Cali yare” oo ka mid ah group-kaas kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah iyo kuwa kale” ayuu yiri Afahyeenka Wasaaradda Amniga.
Dadka qaar oo isticmaala Baraha Bulshada ay kuwada xidhiidhaan ayaa sameysta magacyo masuuliyiin Dowladeed ah oo waxa ay halkaasi ku qoraan waxyaabo been abuur ah iyo dacaayado.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:58 and have
, Published at