daajis.com:- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo DDSI ayaa heshiis kama danbeys ah ka gaaray dhibaatooyinkii colaadeed ee mudooyinkii lasoo dhaafay ka dhacay xadka gobolka Galgaduud iyo Itoobiya oo dad farabadan ay ku dhinteen.
Heshiiskaan ayaa waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamuud Salaad, halka dhinaca Itoobiya uu u saxiixay Danjire Shamsudiin Axmed, waxaana goob joog ka ahaa Madaxweynaha Kililka Cabdi Maxamuud Cumar iyo waxgarad ka socday gobolka Galgaduud.
Heshiiskan oo si nabada loo gaaray soona afjaraya dhibaatooyinka ka dhashay xadka ayaa waxaa si wada jira kaalintooda ka shaqeeyay labada dhinac ee dawlada Itoobiya iyo dawlada Somalia oo ay ugu horeeyaan wasaarada gaashaandhiga DFI, Hogaaminyaha DDSI, iyo waftiga uu horkacayay wasiiru dawlaha DFS Mahad Salaad.
heshiisjigjigaMadaxwaynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa heshiiska kadib halkaasi kasoo jeediyay hadalo tilmaamaya sida ay labada dal horumarkoodu isgau xiran yihiin iyo ahmiyada nabadu u leedahay labada shacab ee Itoobiya iyo Soomaliya, isagoo sheegay in horumarka Itoobiya ku xiranyahay horumarka Soomaliya maadama ay yihiin labo dal oo daris iyo walaalo ah. Madaxwaynuhu waxaa uu uga mahadceliyay dhamaan sida ay uga qabqaateen masuuliyiinta DFI, wasaarada gaashaandhiga, iyo masuuliyiinta Soomalaaiya.
Dhanka kale waxaa isaguna mahadcelin balaaran kadib heshiiskaan ka hadlay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somalia Mahad Salaad oo ummada ugu bishaareeyay in maanta laga bilaabo uu heshiiskani xal waara ka gaarayo dhibatooyinkii deegaanada xadka kadhacay,
Qodobada lagu heshiiyay
1: Xabad joojin rasmi ah oo ka bilaabanaysa maanta oo taariikhdu tahay 07/6/2015. Dagaal danbana inuusan ka dhicin deegaanadii dhibku ka dhacay. Labada dhinacna waxay fariin nabadeed u gudbinayaan dadka shacabka ah.
2: Maanta oo taarikhdu tahay 07/6/2015 in deegaanadii dagaalku ka dhacay ay ka caagan yihiin xoogag hubaysan oo sharci daro in ay ka dhaq dhaqaaqaan.
3: Dadka Soomaalida ah ee kunool gudaha Itoobiya, iyaga oo aan loo eegin Diin, Qowmiyad, Luuqad, Qabiil IWM… waxay leeyihiin Xuquuq dastuuri ah iyo sinaansho dhinaca adeegyada Dowlada ah.
4: Laba dhinac waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka iyo nabad kuwada noolaanshaha laba dal.
5: Labada dhinac guud ahaan, gaar ahaana Gobolada Qoraxey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya iyo meel kasta oo labada Dowladood daris ka yihiin in si nabad gelyo ah lagu xaliya, wixii khilaaf ah ee soo baxa, iyaga oo adeegsanaya Odoyaasha dhaqanka, xoogaga Nabadgelyada iyo Maamulada labada dhinac.
6: Dhibaatadii ka dhacday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa si gooni ah xil uga saaranyahay xalintooda Maamulka iyada uu la tashanayo, isla markaana kaashanaya shacabka ku dhaqan deegaankaas. iyaga oo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya xalinayaan sababihii keenay khilaafka.
7: Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay ula dagaalamaan si wada jir ah cadowgooda Al-Shabaab, UBBO iyo u Adeegayaasha Wadamada Shisheeye ee cadowga ku ah degenaanshaha iyo nabadgelyada labada dhinac.
8: Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in si wada jir ah iyo si gaar gaar ahba ula dagaalamaan cadowga iyo cid kasta oo si khaldan u adeegsanaya qalabka Warbaahinta, abuurayana colaado hor leh.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at