daajis.com:- Dowladda ka arimisa dalka Tuuniisiye ayaa waxa ay soo saartay Go’aan ay ku xirayso 80 Masaajid oo looga shakiyay inay gacanta ku hayaan rag u janjeera dhanka jihaadka, Hadalkan ka soo yeeray Xukuumadda dalka Tuuniisiya ayaa ayaa waxaa wal wal ka muujiyay Dunidda islaamka.
Dalka Tuuniisiya ayaa ahaa dalkii uu ka bilawday waxa loogu magacdaray Arab Spring oo ahaa in wadamada Carabta ah ay iskaridaan xukuumadihii Kaligii taliyeyaasha ee ka jiray wadamadaasi.
Markii Madaxweynihii kaligii taliyaha ahaa xilkii laga tuuray, doorashadii ugu horaysay ee la qabtay ayaa waxaa ku guulaysteen xisbiga ay hogaaminayeen Iqwaanul muslimiinka, iyagoo iqwaanku ay ahaa yeen ururkii kaliya ee si fiican u abaabulnaa.
Dowladaha Reer Galbeedka ayaa ka soo horjeestay in Iqwaanku ay la wareegaan Xukunka Dalka, waxayna ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin xag jiriinta, Bilooyin ka dibna waxaa xilkii la wareegay Dowlada hadda jirta, taassina waxa ay ka caraysiisay madaxdii Iqwaanul muslimiinka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at