VIDEO:- Kenya oo Xir xirtay Ajaanib ay ka Qabatay Magaalooyinka Xadka Soomaaliya

VIDEO:- Kenya oo Xir xirtay Ajaanib ay ka Qabatay Magaalooyinka Xadka Soomaaliya

daajis.com:- Wasiirka Amniga guda Joseph  Nkaissery ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dad Ajaanib ah oo gaaraya 48 qof oo laga qab qabtay deeganada Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Taliyaha ciidamada Booliska ee dalka Kenya oo isagana ka hadlay arintani ayaa warbaahinta u sheegay in dadkan la soo qabtay ay ku wadaan baaritaano culus, si ay u hubsadaan buu yiri ula jeedada safarkooda ee dalka Kenya.


Taliyaha Booliska Kenya General Joseph Boinett ayaa shaaca ka qaaday in 33-qof ay ka soo qab qabteen magaalada Gaarisa, 10-kalana ay ka soo qabteen Mandhera, 5-kalena oo laga soo qabtay magaalada Wajeer, magaalooyinka oo u wada dhow xadka Soomaaliya.


Waxa kale oo uu Taliyahu sheegay in ciidamada Boolisku mid ka mid ah dadka lasoo qabtay looga shakiyay inuu ku lug lahaa weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Lamu oo Shabaabka askar badan looga dilay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada