XOG:- Qaabkee looga guuleystay Musharaxii Damjadiid C/laahi Asbaro?

XOG:- Qaabkee looga guuleystay Musharaxii Damjadiid C/laahi Asbaro?

daajis.com:- Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta guddoomiyaha baarlamaanka u doortay Cali Cumar Casir, oo wareegi labaad ee doorasho ka dhacday Cadaado ug adkaaday murashaxii la tartamayay, C/llaahi Xuseen Asparo.​

Doorashadan oo la sheegayo in si hufan ay ku dhacday ayaa waxaa ka qeybgalay 84 xildhibaan, waxaana Cali Cumar Casir uu helay codadka 48 ka mid ah xildhibaannada.

Guusha uu gaaray Cali Cumar Casir, waxa ay ka dhigantahay in Kooxda Aala-Sheikh ay ku guuleystay Tijaabadii ugu horeeysay ee G/dhexe, halka dhanka kalena Kooxda Damjadiid ay u tahay Guuldarro.

Qaabkii ay wax u dhaceen:

Intii aan la gelin wareegii 2-aad ee doorashada ayaa musharax C/laahi Maalin Aasbaro waxa uu helay codad gaaraya 38 halka musharaxa Cali Gacal uu haystay 35 cod, laakiin waxaa shaki la’aan la wada eegayay 11-ka cod oo uu helay Musharax.

Intaasi ka dib ayaa kooxda Aala-sheikh, waxay si deg deg ah ula xiriireen Musharax C/risaaq Xuseen Maxamuud oo kasoo jeeday Beesha Dir haysatana dhamaan codadka Beeshiisa, waxayna la galeen heshiis ah ineey codka siiyaan Cali Gacal Casir iyaguna ay u codeyn doonaan in gudoomiye ku xigeenka 2-aad ay qaataan Beesha Dir.


Heshiiskan ayaana meesha ka saaray heshiis kale oo uu C/kariin Guuleed kula jiray beelo kala duwan kuna saabsanaa in Beesha Waceysle ay qaadato jagada gudoomiye ku xigeenka 1-aad , waxaana si deg deg ah isku badalay xaaladii doorashada iyadoo Damjadiid iyo musharax Guuleed arrinta ka war heleen xili aysan talo faraha ugu jirin, waana tan keentay in si lama filaan ah xilka gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug loo magacaabo Musharax Cali Gacal Casir oo helay 48 cod.

Guusha Cali Gacal ayaa guuldarro horu dhac u ah tartanka uu C/kariim Guuleed iyo Kooxdiisa Damjadiid ugu jiraan hanashada maamulka G/dhexe.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada