Daawo:- DF Iyo Galmudug Oo Lagu Banaanbaxay

Daawo:- DF Iyo Galmudug Oo Lagu Banaanbaxay

daajis.com:- Banaan bax looga soo horjeedo Madaxda dowladda Federaalka iyo Shirka Cadaado ayaa maanta ka dhacay degmada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, iyadoo dadweyne badan oo isugu soo baxay dibad baxa ay ku qeylinayeen erayo ka dhan ah madaxda dowladda.

Dibad baxan oo ka dhacay Fagaaraha Barxada ee Garowe ayaa waxaa halkaad dadweynaha kula hadlay Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garowe, kuwaasoo muujiyay inay ka soo horjeedaan shirka Cadaado.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal C/llaahi Ciise Axmed ayaa sheegay inay tahay wax lala yaabo in Madaxda dowladda ay taageeraan Maamul ka hor imaanaya dastuurka KMG ah, isla markaana shirka ka socda Cadaado uu yahay mid ku kooban Koofurta Mudug iyo Galgaduud kaliya sida uu yiri.

Sidoo kale waxaa uu xusay in aysan marnaba ogolaan doonin wax kasta oo jebinaya dastuurka, sidaas darteedna ay Madaxda dowladda ku cambaareynayaan sida ay u taageersan yihiin shirka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe.

Duqa magaalada Garowe Axmed Saciid Geelle ayaa sheegay in banaan baxan uu yahay mid dadka ay ku cabirayaan dareenka ay ka qabaan dowladda dhexe iyo maamulka laga dhisayo Cadaado.


Sidoo kale Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in Puntland ay ka fikiri doonto aayaheeda, maadaama in lagu fashilmay in lagu dhaqmo dastuurka, taasna ay Puntland go’aankeeda qaadan doonto.

Maamulka Puntland ayaa horay uga digay in shirka Cadaado ee maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud inuu suura gelin karo colaad gobolka ka dhaca, iyagoo ka soo horjeestay dastuurka uu yeelanayo maamulkaas oo qeexaya in maamulka Galmudug xuduudiisu tahay Gobolka Nugaal.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada