daajis.com:- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad kala guur ah, isagoo xusay in dowladda Federaalka ay u harsan tahay muddo hal sano ah, howl badan inay qabato u harsan yihiin.
“Xaalada ay hadda Soomaaliya ku jirto waxaa u arkaa inay rahay xaalad kala guur ah, dowladda waqtigii loo igmaday waxaa ka haray, hal sano, howl badan waa u haran yihiin, qaar ka mid ah waa ay qabatay”ayuu yiri Farmaajo oo wareysi siiyay BBC-da
Farmaajo ayaa sheegay in dowladda ay ka gaabisay arrimaha amniga, taasoo uu xusay inay aheyd waxyaabihii ay horay diirada saartay inay amniga wax ka qaban doonto
“Waxaa laga filayay dowladda uu Xasan Sheekh hogaaminayo in arrimaha amniga muhiimad gaar ah siineyso, aniga waxaa qabaa in laga gaabiyay, waayo ciidankii agabkooda, mushaarkooda iyo daryeelkooda ma heystaan, wax walbana waxaa aas aas u ah amniga, arrimahaas wali waxba kama aysan qaban”ayuu yiri.
Mar wax laga weydiiyo sida dowladda wax uga qaban karto amniga ayuu xusay in laga doonayo in kalsoonida shacabka abuurto, isla markaana haddii ay hanato kalsoonida shacabka aanay dhici laheyn in shacabka lagu soo dhex dhuunto sida uu yiri
“Dowladda waxaa laga rabaa inay ka shaqeyso kalsoonida shacabka, sida la socoto dagaalkii fool ka fool waa dhamaaday Shabaab waxaa ugu darneyd markii ay Xamar dhex fadhiyeen, laakiin markii banaanka looga saaray wixii hadd ka dambeeyay ay sameynayeen dhuumaaleysi, waxay ku soo dhuumanayaan shacabka, haddii dowladdu xooga saari laheyd in shacabka kalsooni buuxda geliso, wixii balan ee ay qaaday fuliso, Shabaab kuma dhex dhuuman laheyn Shacabka, xamarna ma joogi laheyn”ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Farmaajo oo maalmahan ku sugnaa Gobolka Minnesota.
Mar wax laga weydiiyay arrimaha federaalka iyo howsha maamul goboleedyada ayuu sheegay howlaha maamul u sameynta siyaabo kala duwan wax looga qaban karay, iyadoo ugu horeyn dastuurka la raacayo, sida uu yahayna loo fasirayo, in Maxkamadda dastuuriga la sameeyo, taasoo uu tilmaamay haddii muran yimaado cidii qaladka bixi laheyd ay aheyd Maxkamadda Dastuurka, balse ma dhisno.
Farmaajo ayaa sheegay in howlaha dowladdu iminka qabatay ay ka mid yahay sameynta Guddigii doorashooyinka iyo guddiga Dastuurka, taasna ay tahay wax wanaagsan.
Mar uu soo hadal qaaday arrinta mooshinkii Jubbaland ee baarlamaanka Federaalka uu ansixiyay iyo muranka ka dhashay ayuu xusay in ugu horeyn bilowga howsha Jubbaland iyo guud ahaan habka maamul u sameynta ay wax ka xumaadeen, waxaana uu xusay in qodobka habka loo dhisayo maamul goboleedyada ay aheyd in qeyb laga siiyo Baarlamaanka, taasna ay haatan dhib badan ka taagan tahay sida ay wax u socdaan, gaar ahaan tan Gobollada Dhexe ka taagan oo kale sida uu yiri.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo sanadkii 2012 ka mid ahaa musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha ayaa mar kale sheegay inuu u taagan yahay doorashada Madaxweynaha ee sanadka 2016.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at