Madaxweynaha SOMALIA Oo Ku Wajahan Johannesburg & Soomaalida K/Afrika Oo…

Madaxweynaha SOMALIA Oo Ku Wajahan Johannesburg & Soomaalida K/Afrika Oo…

daajis.com:- Waxaa si caalami ah u socda qabanqaabada soo dhaweyn aan hore u dhicin oo loo samaynayo Madaxweynaha Dowladda Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo saacadaha soo socda la filayo inuu soo gaaro Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Sida uu qorshuhu yahay Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shir madaxeedka midoowga Afrika oo ka dhacaya Johannesburg, inta u dhaxeysa 14-ka illaa 15-ka bishani June 2015, xilli uu isna Magaaladaasi joogo iminka Wasiirka arrimaha diabada Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye, kaasi oo gogol xaar u ah socdaalka Xasan Sh.

Ajendayaasha ugu waaweyn ee shirka, ayaa diiradda lagu saarayaa rabshadihii ajnabi naceybka ee dalkaa ka dhacay sanadkani, iyadoo dad Soomaaliyeed iyo kuwa kale oo Afrikaan ah lagu waxyeeleyey, taasi oo caalamka oo idil wada cambaareeyeen.

Sidoo kale, waxaa shirka looga hadlayaa kaalinta dumarka ee kobaca dhaqaalaha Afrika, dhibaatooyinka xagga amniga sida Boko Xaraam iyo Al-Shabaab oo ay xoogag isku caqiidda ah oo ka kala dagaalama dalalka Somalia iyo Nigeria.

Sanadkii 2012, ayey aheyd markii shir madaxeedka Afrika ee ku qabsoomay isla Johannesburg uu dalka Somalia uga qeybgalay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada