daajis.com:- Markab uu ganacsade Soomaaliyeed kireeyay si uu dadka Soomaaliyeed ugu soo qaado dalka Yeman ayaa kusoo xertay dekadda Boosaaso fiidnimadii caawa xiliga geeska Afrika.
Markabkan oo dadka Soomaaliyeed kasoo qaaday dekadda Mukallah ayaa la filayaa in subaxdnimada Sabtida laga soo dejiyo dadka Soomaaliyeed ee kasoo cararay dagaalada Yeman.
Dadkan oo isugu jira haween, caruur, dad waayeel ah iyo dhalinyaro, sida uu sheegay Qunsulka Safaaradda Somalida ee dalka Yemen, Axmed Cabdi Xasan (Axmed Suudaani) oo markabka la socdo.
markab-qaxootiQunsulka wuxuu sheegay in Maamulka Dekeda Boosaaso ay ku wargeliyeen inaanu caawa markabka ku soo xiran karin Dekeda, mashquul ka jira aawadeed, balse uu berrito ku soo xiran karo.
Markabkan, ayaa lagu wadaa in markale uu dad kale ka soo qaado Dekeda Magaalada Mukalla, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayiri (Maareeye).
Markabkan ayaa waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed u kireeyay Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed, isagoo ku tabarucay in uu soo qaado dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Yeman ee meel ay u qaxaan jirin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:24 and have
, Published at