Xaashi ayaa Maxkamadii ugu horreeysay kaga guuleystay sannadkii 1998 Qareenkii dacwada ku soo oogay, hasse ahaatee sannad gudihiis ayaa Maxkamadii uu ka guuleystay ay racfaan qaadatay, waxaanna Xaashi isaga oo aaminsan inuusan wax dambi ah gelin oo dalka Holland ku sugan uu Talyaaniga u yim inuu goob joog ka noqdo dacwadaasi; isaga oo weliba doonayey in markaa kaddib magdhow weydiisto Dowladda Talyaaniga, hasse ahaatee waxaa Maxkamadii ay ku xukuntay xabsi daa’in. Maxkamadii 3-aadna ee kama dambeysta aheydna waxeey u bedeshay xabsi daa’inkii 26 sanno.
Muddadii uu xirnaa wuxuu soo maray xabsi aad u adag, waxaanna lagu xiray meelaha lagu xiro dambiilayaasha ugu waaweyn ee Maafiyada Talyaaniga, ee loo diido in ay bannaan arkaan.
Kiiska lagu xiray Xaashi waxaa loo cuskaday marqaati uu furay Axmed Cali Raage (Jeelle) oo cod laga soo duubay la horkeenay maxkamadda, inkastoo isla xilliyadaas wareysi Jeelle uu la yeeshay suxufi Aadan Sebriye uu ku sheegay in ujeeddadiisu ay aheyd sidii uu Yurub ku imaan lahaa keliya.
Jeelle, wareysi la la yeeshay 2002 wuxuu yiri:
Hoose ka Daawo
“Aniga Talyaaniga ayaa iga soo qaaday Xamar si aan ugu marqaati furo Xaashi, anigana wax dhib ah uma arkeyn waayo inaan Yurub imaado ayaan muhiim ii aheyd; ninkaan ayaa la keenayaa oo la xukumayaa isma laheyn”.
Idaacad Talyaani laga leeyahay oo dhowaan Magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska wareysi ay ugu tagtay Jeelle, wuxuu sheegay in marqaati furkiisu ahaa masabid, wuxuuna Idaacadda hadaladii uu ka sheegay ka mid ahaa:
“Idinka uguma horreeysaan dad aan wareysi siiyo saxafi Aadan Sabriye ayaan u sheegay 12 sanno ka hor in marqaati furkeygu uusan aheyn mid sax ah, waxaa iga keenay Viisaha aan Yurub ku imid”
Dhinaca kale, waxaa iyana xusid mudan, Dowladihii Soomaaliya soo maray laga soo billaabo sannadkii 2000 ilaa iyo hadda marna ma jirin masĂșul u dhaqaaqay oo ka war doono xaaladiisa; xittaa safiiradii Soomaalida ee dalka Talyaaniga Nuur Cadde & Muuse Xassan midkoodna xabsiga uguma tegin Xaash.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:38 and have
, Published at