Booliska dalka Norway oo sanadkii hore dhan isticmaalay labo rasaas: Warbixin

Booliska dalka Norway oo sanadkii hore dhan isticmaalay labo rasaas: Warbixin

daajis.com:- Tirakoob laga soo saaray dalalka heerarka ugu hooseeya ka galay iticmaalka hubka ayaa sheegaysa in Boliiska wadanka Norway Sanadkii hore dhan isticmaaleen laba rasaas ah oo qofna aan wax yeelin.

Mareykanka, ciidamadiisa booliska ayaa ah kuwo mar walba hubeysan, waxayna lixdii bil ee lasoo dhaafay dileen 547 qof, tiradaasi 503 ka mid ah toogasho ayey ku dileen.

24-kii maalmood ee ugu horeeyay sanadkan 2015-kii ee bishii Janaayo booliska Mareykanka waxay rasaas ku dileen 59 qof, taas oo ka badan inta dalalka England iyo Wales ku sameeyeen 24 sano ee lasoo dhaafay.

norwegian-police-news
Booliska UK waxay leeyihiin xaddi ay hoos ugu istimaalaan hubka, waxayna toogasho ku dileen sanadkii lasoo dhaafay 2014 hal qof kaliya, halka sanadkii 2012-kii ay sidoo kale toogteen nin magaalada Manchesterku weeraray haweeney boliska ka tirsaneyd.


Warbixinta waxay sheegeysaa in 12-kii sano ee lasoo dhaafay labo qof kaliya ayaa toogasho lagu dilay dalka Norway, taasoo u sabab ah in hubka macna darada loo ridayo uu ka yaraado Norway Booliska oo aan wax hub ah qaadan jirin wixii ka horeeyay sanadkii hore oo ay bilaabeen inay hub xeertaan, kadib markii loo hanjabay oo naftooda u baqeen.

Inta badan booliska Norway ayaa, sida ciidamada Britain, Ireland iyo Iceland, hub qaadan jirin sanad ka hor, iyadoo xiligaas wixii ka danbeeyay loo ogolaa inay marka xaalado gaar ah jiraan ay is hubeeyaan.

Cali Muxiyaddiin

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada