DAAWO: Baarlamaanka Maamulka Gal-mudug Oo Doortay Gudiga Doorashooyinka (VIDEO)

DAAWO: Baarlamaanka Maamulka Gal-mudug Oo Doortay Gudiga Doorashooyinka (VIDEO)

daajis.com:- Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa maanta magaalada Cadaado waxa ay ku doorteen Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, kadib kulan ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Maamulka Galmudug.

Fadhiga Xildhibaanada waxaa soo xaadiray oo goobjoog ka ahaa Xildhibaano gaarayay 77 Xildhibaan, iyadoo doorashada Guddiga ay noqotay mid gacan taag ah.

73 ka mid ah Xildhibaanada ayaa waxa ay cod gacan taag ah ugu codeeyeen sagaal Xubnood oo loo doortay inay noqdaan Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee Maamulka Galmudug 3 Xildhibaan ayaa ka aamusay 1 Xildhibaana wuu diiday.



Magacyada Guddiga Doorashooyinka ayaa kala ah


1:Maxamuud Aadan Cismaan Guddoomiye

2:C/wali Cali Maxamuud Xoghayn


3:Maxamed Xasan Geelle Xubin


4:Farxiyo Xasan Cali Xubin


5:Xasan Maxamed Axmed Xubin


6:Farxiyo Cabdulaahi Shiikh Doon Xubin


7:Canab Maxamed Cosoble Xubin


8:Maxamed Mire Axmed Xubin


9:C/qaadir Cali Diirshe Xubin


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada