daajis.com:- Jessica Cox ayaa shan sano ka hor noqotay haweeneyda ugu horeysay ee gacma la’aan ah oo duuliye diyaaradeed noqota, sidoo kale waxay noqotay qofka kaliye ee ciyaarta Tae kwon do isla markaana ka tirsan American Tae Kwon Do Association.
32 sano jirtaan ee gacma la’aanta ah ayaa sidaasi ku dhalatay, nolosheedana waxba kama duwan dadka kale ee lixdooda lixaad u dhan yihiin, iyadoo gaarigeeda kaxeysata.
Jessica ayaa shan sano ka hor jaceylkeedii ugu horeeyay ku bilowday xarunta Tae Kwon Do iyadoo halkaasi isku caashaqeen Patrick Chamberlain oo iminka ay ku wada nool yihiin Tucson, Arizona.
Jessica ayaa buuga lagu qoro mucjisooyinka iyo dhacdooyinka caalamka ee Guinness World Record gashay sanadkii 2008, kadib markii ay heshay ruqsada (License) diyaarad wadida iyo inay noqotay haweeneydii ugh heresy ee gacma la’aan ah oo diyaarad duulisa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:28 and have
, Published at