Ma Riyaa Mise waa Run !!!? Sheekada Prof. Yaxye Sh. Caamir illaahow rumeey

Ma Riyaa Mise waa Run !!!? Sheekada Prof. Yaxye Sh. Caamir illaahow rumeey

daajis.com:- Haddii dable Janaraal noqday, Haddii ma shaqeeyste taajir noqday, Haddii Dr. iyo Eng. naaneeys noqdeen, Haddii guddoomiye gobal madaxweeyne noqday, Haddii saqiir Agaasime noqday. Haddii nin waalan mas’uul noqday. Haddii kii isaga ahaa wasiir noqday. Haddii xertii Mufti noqotay. Haddii xubin maamul degmo xildhibaan noqday. Haddii xil la qabto xabashi iyo hanta ku xirmay. Haddii tuugii taliye noqday. Haddii dambiilihii diblomaasi noqday waa col ku dhaccadaa wana kuu talisay . ma quusan Irid ALLA oodo ma saara.( waa ku wareeray, soon ayaan xirtay waana iska seexdaday).

WAAN RIYOODAY- waxaan ku riyooday :

1-Shantii Soomaali oo midowday, meel kasta hal calan oo hal xiddig leh ayaa ka taagan.

2-Wareegta ka soo baxday xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa lagu kala badalay qaar ka mid ah shaqaalaha Dowlada, waxayna u qorneyd sidan: Gudoomiyihii Gobalka Jigjiga waxaa loo bedelay Shabeelaha Dhexe, Gudoomiyaha degmada Madheera waxaa loo badalay Borame. Maamulihii dekeda Jabuti waxaa loo bedelay dekeda Kismayo. Gudoomiyaha degmada  Hobyo waxaa loo bedelay Garisa, Gudoomiyaha degmada Cali sabiix waxaa loo bedelay Afmadow, Taliyihii saldhiga Boliska Afgooye  waxaa loo bedelay Wajeer, Iskuduwihii Xanaanada Xoolaha Degmada Qoraxeey waxaa loo bedelay Degmada Qoryooley, Taliyihii nabad sugida Degmada Carte waxaa loo bedelay Garowe.

3- Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in sanadkan ay qaabileyso 30.000 ruux oo ah qaxootiga koofur Bari Asiya, iyadoo lacagta cayrta ah ee dowladu bixiso la kordhinayo 40%.

4- Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed ayaa go’aamisay in deeq waxbarasho la siiyo 200 arday oo ka imaanaya wadamada soo koraya.

5-Gudoomiyaha OPEC ayaa sannadkan loo doortay wasiirka Tamarta iyo Shidaalka ee Somalia .


6-Markabka diyaaradaha xambaarta ee HADRAAWI -1 oo ay la socdaan 6 markab ah ku xambaarta gantaalada riddada dheerb iyo laba Gujis oo ay leeyihiin ciidamada Badda Soomaalidu ayaa gaaray xeebaha dalka imaaraadka Carabta si ay uga qayb galaan dhoolatus ay sameeynayaan ciidamada badda ee wadamada Carbeed.

7-Hay’ada SSA ( Somali Space Agency) ee hawada sare ayaa heshiis la gashay dhigeeda dalka Shiinaha in si wadajir ah ay isaga kaashadaan diridda dayax gacmeedka BAKOOL-2, oo laga gamayo Saldhiga cirifka gardafuuyee gobalka Bari ee Somaaliya waxaana sii raaci doonaan 5 cirbixiyeen oo Shiina ah iyo 2 Somali ah, kaa oo hawada sare ku maqnaan doona muddo 18 Bilood ah.

8-Warshada bacriminta Uraniyuumka ee Guriceel ayaa la balaariyay si ay u suurtagashao in tamar koronto oo ku filan ay gaarsiiso wadamada `Afrikada Bari.

Markii aan soo toosay waxaan kala garan waayay ma riyaa mise waarun.!

Ha quusan, noo duceey in riyadeeyda ALLAH nooga ruumeeyo, waxay ku xiran tahay oo kaliya annaga oo si wadajir ah u aamino inaan ka rumeeyn karno, una dhaqaaqno ALLANA ha nagu garabgalo, qadar ALLA lagama quusto.

Xor ayaad u tahay in aad fekerkeeyga naqdiso, wax ka bedesho, beeniso, ama si kale aad u dhigto.

WQ: Prof. Yaxya Sheekh Caamir

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada