Daawo Muuqaal "Soomaalida ku nool Dalka Swden oo bilaabay talaabooyin ay ku sugayaan amniga goobaha ay ku nool yihiin Soomaalida!!

Daawo Muuqaal "Soomaalida ku nool Dalka Swden oo bilaabay talaabooyin ay ku sugayaan amniga goobaha ay ku nool yihiin Soomaalida!!

daajis.com:- Soomaalida ku nool dalka Swden ayaa waxaa la sheegay inay bilaabeen talaabooyin ay ku sugayaan amniga goobaha ay ku nool yihiin dadka Soomaalida ka dib markii ay soo shaac baxeen kooxo dhalinyaro ah oo damacsan inay falal amni daro ah ay ka geystaan halkaas. 

Soomaalida ku nool magaalada Borlänge ee dalkaas Sweden ayaa waxaa la sheegay inay bilaabeen is abaabul ku aadan sidii ay uga hortagi laaheeyeen weeraro kaga imaanaayo dhalinyaro damacsan inay dhibaatooyin ka geystaan xaafada ay ku nool yihiin dadka Soomaalida iyadoona ay dhalinayaraadaasi ay dhawaantaan damceen inay dab qabadsiiyaan iskool lagu magacaabo Tjärnaängskolan oo ku yaala magaaladaas Borlänge kaas oo ay wax ku bartaanardey ay Soomaali ku jirto. 


Halkaan ka Daawo Soomaalida ku nool Dalka Swden oo bilaabay talaabooyin ay ku sugayaan amniga goobaha ay ku nool yihiin Soomaalida!!



Ugu dambeyntiina iyadoo ay Soomaalidaas ku nool magaalada Borlänge ay ku howlan yihiin sidii ay sugi lahaayeen amniga xaafada ay Soomaalida ku nooshahay ayaa waxay waraku sheegayaan inay dhalinyaradaas laga cabsi qabo inay dhibaatooyinka geystaan ay yihiin kuwo la tuhun san yahay inay ku jiraan ama ay ka tirsan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed arintaas oo keentay inay waalidiinta Soomaalida ay u istaagaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen arintaas.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada