daajis.com:- Waxaa maanta magaalada Adiss Ababa ka furmay shirkii maalgashiga iyo hormarinta Qaarada Africa, shirkan oo ay isugu yimaadeen Madaxda qaarada Afrika iyo Deeq bixiyayaasha, ayaa waxaa shirka daah furay Madaxa hayƔdda Qaramada midoobay Mr: Ban Ki Moon.
Qadar Saacdo ah kadib ayaa Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u suuro gashay inuu khudbad ka jeediyay Shirweynaha 3aad ee Maalgashiga Horumarinta qaaradda Africa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa kaga hadley arrimo dhowr ah oo la xiriira horumarka caalamka, qaaradda Afrika iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in muhiimadda koowaad ee shirkan ay tahay fursadda loo helayo in lagaga doodo sidii dalalka soo koraya ee caalamka looga taageeri lahaa inay gaaraan hadafkooda dhinaca horumarka iyo iskaashiga.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:00 and have
, Published at