Daawo Sawirada:- Ra’isul wasaare Cumar oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Cadaado

Daawo Sawirada:- Ra’isul wasaare Cumar oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Cadaado

daajis.com:- Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid iyo Wafdi uu hogaaminaayay ayaa si diiran galabta loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ahaa Xubno ka kala tirsanaa labada gole ee Dowlada Somalia, Siyaasiyiin iyo Xubno ka shaqeeya Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka.

Garoonka ayaa waxaa uga hortagay Masuuliyiin uu kamid ahaa Madaxwaynaha Maamul goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug.

Ra’isul wasaaraha ayaa inta uu ku sugnaa Magaalada Cadaado uu kulan la qaatay madaxda Galmudug, waxaana markii uu soo dhamaaday warbaahinta la hadlay Mudane Cumar Cabdirashiid, isagoo sheegay in socdaalkiisu la xiriiray sidii dowlada ay maamulka Galmudug uga caawin lahayd xalinta tabashada Ahlusunna.

Ra’iisalwasaaruhu waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen Madaxda Galmudug sidii maamulka ay dariska yihiin ee Puntland ay nabad iyo daris wanaag ugu wada daganaan lahaayeen.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada