Daawo Sawirada:- Ciidamada Israa'il oo xoog ku galay Masaajidka Al-Aqsaa iyo Rabshado halkaasi ka dhacay

Daawo Sawirada:- Ciidamada Israa'il oo xoog ku galay Masaajidka Al-Aqsaa iyo Rabshado halkaasi ka dhacay

daajis.com:- Ciidamo katirsan Yahuuda Israa'iil ayaa maalinimadii shalay waxa ay gudaha u galeen qeybo kamid ah dhismaha Masjidka weyn ee Al-Aqsaa ee kuyaala Magaalada Qudus ee dhulka Reer Falastiin.

Dhalinyaro Falatiiniyiin careesan iyo Ciidamada Yahuuda ayaa rabshado waxa uu ku dhax maray afaafka hore ee Masaajidka, dhalinyaradan ayaana dhagxaan ku tuurayay Ciidamada Yahuuda ah ee damacsanaa in ay galaan qeybo kamid ah dhismaha Masaajidka.

Ciidamada Yahuuda ayaa gudaha u glaay dhismaha Masaajidka Al-Aqsaa, waxa ayna jirdil iyo dhibaateyn kale u geesteen dhalinyaradii reer Falastiin ee kasoo horjeeday in Ciidamada Yahuuda ay galaan masjidkaasi.

Rabshadaha ayaa yimid kadib markii dadka Reer Falastiin ay kasoo horjeesteen in dad yahuud ah ay soo galaan qeybo kamid ah Dhismaha Masaajidka, waxaana halkaasi xus diimeed ku qabsanayay dad Yahuud ah kuwaa oo buurta kuyaala Masjidka doonayay in ay ku cibaadeestaan.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada