DAAWO SAWIRADA: Wasiirka Arimaha Dibada XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Kenya

DAAWO SAWIRADA: Wasiirka Arimaha Dibada XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Kenya

daajis.com:-  Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar ayaa Maanta kaga Guddoomay Xafiiskiisa Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo Safiirka cusub ee Kenya ay u soo magacowday Soomaaliya, Jen. Lucas Kyonze Tumbo.

Hadliye iyo Tumbo oo shir jaraa’id wada-qabtay ayaa waxay xuseen horumarka uu gaaray xiriirka Taariikhiga ah iyo kan derisnimo ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa xusid mudan in xiriirka dublamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu si rasmi ah u bilowday 11-kii December, 1963-kii. Soomaaliya ayaa waxaa kala dhaxeeya Kenya xiriir dhinacyo badan leh oo ku qotama iskaashi wadaag.

Ugu dambeyn, dowladda Kenya ayaa waxay ka mid tahay dalalka ciidamada ugu deeqay Howl-galka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM) oo Hab Wadaag ah kula Shaqeeya Ciidamada Xoogga Dalka oo dagaal kula jira Al-shabaab.



Sidoo kale, danjiraha ayaa lagu wadaa inuu dhawaan madaxweynaha Somalia si rasmi ah ugu gudbiyo Warqadihiisa Aqoonsaiga danjirenimo, iyadoo Kenya ay ku biirayso dalalka caalamka ee sannadihii lasoo dhaafay safaaradahoodii Muqdisho dib uga furanayay.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Somalia ayaa iyaduna dhankeeda dhawaan Danjire Jamaal Xasan u magacowday inuu noqdo safiirka Soomaaliya ee Nairobi, waxaana lagu bedelay Danjirihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cali Nuur Ameerika.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada