Daawo Sawirrada:- Weerarkii Caawa lagu qaaday Hotelka Wehliye iyo Meydadka Ragii Weeraray oo lasoo bandhigay

Daawo Sawirrada:- Weerarkii Caawa lagu qaaday Hotelka Wehliye iyo Meydadka Ragii Weeraray oo lasoo bandhigay

daajis.com:-  Waxaa Caawa xiligii afarka Weerar isugu jira Ismiidaamin iyo mid toos ah rag hubeesan oo katirsan Xarakada AL-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Wehliye oo kuyaala Laamiga Maka Al-MUkarama ee Magalaada Muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilowday GaarI waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka Hotelka, wasaana xiligaa kadib gudaha Hotelka ku cararay sadax nin oo hubeesnaa oo katirsan Al-Shabaab.

Israsasaeyn u dhaxeysay Ciidamada ilaalada Hotelka iyo ragii huBeesnaa ayaa dhismaha Hotelka ka dhacay, waxaana halkaasi u gurmaday oo gaaray Ciidam katirsan nabad Sugida Qaranka oo markii dambe howlgalka soo afjaray.

Inta la xaqiijiyay weerarkaasi waxaa ku dhintay shan kamid ah ilaalada Hotelka iyo mid kamid ah Maamulka Hotelka, waxaa sidoo kale Weerarka ku dhintay ragii Weeraray oo sadax kamid ah la dilay halka midka kalana uu is qarxiyay.

Dhinaca kale Meydadka ragii Weerarka Hotelka Wehliye ka dambeeyay ayaa lasoo bandhigay, waxaana ka muuqday rasaas haleeshay ragaasi hubeysan oo lagu kala dilay goobo kala duwan oo dhismaha Jotelka katirsan.


Xaalada ayaa hada ah mid dagan waxaan amaanka Hotelka la wareegay Ciidamo katirsan Hay'ada Nabad Sugida Qaranka, waxaana gabi ahaan xiran wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa dhismaha Hotelka Wehliye ee Magaalada Muqdsho.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada