DEG DEG :-Weerar Ismiidaamin ah oo Goordhow dhacay “

DEG DEG :-Weerar Ismiidaamin ah oo Goordhow dhacay “

daajis.com:-  Wararka ka imaanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa lagu weeraray Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Ethiopia.

Gaariga lagu fuliyay weerarka ismiidaaminta ah ayaa waxaa watay Dagaalyahaano ka tirsan Al-shabaab ee ka howlgasha Gobolka Bay.

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa inuu dhacay xili Kolonyadaasi gaadiid ay gurmad u ahaayen Ciidamo kale oo ka tirsanaa Ethiopia kuwaasi oo dagaal kula jiray Al-shabaab.

Gaadiidka weerarka ismiidaaminta fuliyay ayaa waxa uu dhexgalay ilaa 5gaari nooca gaashaaman oo ay wateen Ciidamada Ethiopia, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dhinaca kale Sargaal ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in 5 ka tirsan Al-Shabab ay ku dhinteen gaariga Qarax lagu soo xiray oo ay iyagga qarxiyeen.


Gaadiidka Kolonyada ayaa maraayay goortii Qaraxa lala eegtay meel ku dhow Degaanka Ufurow ee Gobolka Baay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada