daajis.com:- Duqeymahan oo maleynaayo inay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee dalalka reer galbeedka, ayaa waxaa la soo sheegayaa in lagu burburiyay daafacyo, ay dagaal-yahanada Al Shabaab ku lahaayen deegaankaasi.
Ururka Al Shabaab, ayaa qorsheynaayay in deegaanka Juungal ay ka difaacaan Ciidamada Dowladda, Amisom iyo Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, oo iyagu weerar ballaaran Degmada Baardheere kaga soo qaaday dhinaca deegaanka Faa-faaxdhuun, oo 80km u jirta Baardheere.
Ciidamada Huwanta, ayaa waxaa la soo sheegayaa in xilligan ay ku sugan yihiin deegaanka Garas-dulan, oo qiyaastii 5km oo keliya u jirta deegaanka Juungal.
Madaxda Ururka Al Shabaab, ayaan inta badan ka hadlin waxyeelada ka soo gaarta weerarada xagga cirka ah, ee ay la beegsanayan dhinacyada taageersan Dowladda Federalka Somaliya.
Inta badan shacabkii ku dhaqnaa Degmada Baardheere iyo deegaanada kale ee hoos-tagga, ayaa isaga barakacay, iyagoo markaasi cabsi ka qaba in waxyeelo ka soo gaarto, dhinacyada isu haaya gacan ku haynta goobahaasi.
Xiisadda xilligan ka jirta Degmada Baardheere iyo deegaanada kale ee ku teedsan, ayaa waxaa si weyn looga dareemay gebi ahaanba Gobolka Gedo. Waxayna hadalhayntu noqotay gulufka ku wajahan Baardheere.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:45 and have
, Published at