daajis.com:- Magaaladda Toronto ee dalka Canada waxaa ku qabsoomay shir ay isugu yimaadeen Beesha Awrtable ee ku dhaqan dalkaas Canada ee kasoo jeedda deegaanadda Jubbaland.
Shirkaan ayaa looga hadlay xuquuqdii Maamul oo ay ku lahaayeen Goboladda Jubbooyinka ee uu sida gardaradda ah uu u duudsiiyay Axmed Madoobe yo cidii kala shaqeynaysay dhismaha Maamulka Jubbland. Shirkaan ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda Beesha ee dalka Canada,
Cabdikarim Axmed Canjalaf oo si faah-faahsan uga hadlay waxa ay tabanayaan xaqooda la duudsiiyay iyo taariikhda ay ku leeyihiin Goboladda Jubbooyinka. Gudoomiye C/kariim Axmed Canjalaf ayaa waxa uu sheegay inaysan ahayn sinaba wax loo aqbali karo xad-gudubka ay sameeyeen Masuuliyiinta Jubbland ee qaybiyay bishii April ee sanadkaan Golaha Xildhibaanadda ee Maamulkaasi,
isagoo xusay inaysan beeshaani wax shuqul ah aysan ku lahayn kamid ahaan-shaha maamulkaas sharci daradda ah ee uu diiday baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayna ayid san yihiin go’aankii uu Baarlamaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu ku diiday baarlamaanka Axmed Madoobe bishii May.
Masuuliyiintii ka hadlay shirka ayaa sheegay in Meesha ay Soomaaliya ay ka dhaqaaqi la’dahay 25-ka sano ee dowlad taam ah loo la’yahay ay tahay cadaalad daradda socota, dadka xaqoodda siyaasiga ah la duudsiinayo iyo ku tagri falka kooxda markaas awooda Maamul haysa sida kuwa Puntland iyo Jubbaland.
Kaliyoo shirka loogama hadlin Xaqdaradda Axmed Madoobe iyo Kooxdiisu ay gaysatay waxaa sidaas oo kale lagu cambaareeyay Maamulka uu Madaxda ka yahay C/weli Cali Gaas ee Puntland oo isaguna sidaan oo kale xaq-darro joogto ah ugu-la dhaqmay beeshaani.
Ugu damayntii, Kulankaan oo ahaa mid balaaran oo si weyn ay Jaaliyaddu uga soo qayb gashay ayaa waxaa iyagana hadalo ka jeediyay Masuuliyiin ay kamid ahaayeen Mahdi Jaamac Dhagaweyne, Xaliimo Jiniboqor, Cismaan Xassan Khalaf, Cali Carays Ciise, Colonel Faratoon iyo kuwo kale oo badan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:36 and have
, Published at