daajis.com:- Macalimad Dugsi Sare wax ka Dhigta ayaa Asxaabteeda eey wada Shaqeeyaan waxey Weydiiyeen Sababta ay u Guursan weyday. Macalimadaan ayaa ahayd mid ilaahay Qurux iyo Akhlaaq intaba u Dhameeyay oo Nin walba uu ku Hamiyo inay Xaaskiisa noqoto. Haddana maalin iyagoo ay Xafiiska wada fadhiyaan iyada iyo Asxaabteeda ayey ku tiri walaalayaal waxaan idiin Sheegayaa Qiso ee iga Dhegaysta, waxeyna hadalkeeda ku biloowday Sidatan:-
Nin ayaa Naag qabay, waxeyna u dhashay Shan Gabdhood, wuxuuna bilaabay Ninkeedu inuu ugu goodiyo haDdii ay Gabar kale Dhasho inuu ka Takhalusi doono. Ilaahay Amarkiis, waxay Naagti Dhashay Gabar. Ninkii ayaa Gabdhii qaaday Salaada Cishaha ka dib, wuxuuna Dhigay Masaajidka Albaabkiisa, markii Salaada Subax la gaaray ayuu tegay bal si uu u soo Eego in la qaatay iyo inkale.
Nasiib wanaag lama qaadan sidaas ayuuna ugu soo Celiyay Gurigii. wuxuu Habeen walba Geyn jiray masaajidka Albaabkiisa Subaxdiina wuu ka soo qaadi jiray, maadaama aanan la Qaadanin.
Toddobaad markuu sidaas Samaynaayey, hooyadeedna ay ilaahay ka Barayaysay inuu u soo celiyo Gabadheeda ayuu ka Quustay in la qaato, sidaasna Guriga ugu soo celiyay kuna Dhaafay. Hooyadii ayaa aad u Faraxday ilaahayna u Mahad Celisay. Waxaa dhacday inay Xaaskiisi Uur kale yeelatay sidaasna Cabsi kale ku soo Wajahday iyadoo ka Baqaysa in haddii Gabar ay Dhasho ay la Kulmi doonto Xaalkii hore oo kale.
haddaba markan waxey Dhashay Wiil, laakiin waxaa Dhimatay Gabdhahii ugu waynayd. Mar kale ayey haddana Uur yeelatay waxayna Dhashay Wiil markaan waxaa ka Dhintay Gabadhi ku Xigtay tii hore ee Dhimatay ee Hablaha ugu weyneed. Sidaas ayay iskugu Xijisay Shan Wiil, laakiin Gabdhihi oo dhan ayaa ka Dhintay marka laga Reebo tii Aabeheed Masaajidka hortiisa dhigi jiray.
Muddo ka dib hooyadii Caruurta dhashay waa Dhimatay. Sidaas ayaaa waxaa ku koray Gabadhi Aabeheed doonayey inuu ka Takhaluso iyo Shanti Wiil. Haddaba, Macalimaddii waxey ku tiri Asxaabteedi ma taqaaniin Gabadhaasi waa Tuma? waxeyna ku jawaabtay:- waa Aniga Gabadhaas Masjidka la Hor dhigi jiray Habeenkii Subaxdiina laga soo Qaadi jiray. Waxaan u Guursan waayey maadaama Aabeheey uu Duqoobay oo aan lahayn Cid kale oo Xanaanaysa.
waxaan u qabtay Khaadimad (Adeegto) si ay uga Caawiso wuxuu u Baahan yahay iyo inay Cuntada u Kariso. Walaalehaygii uu AabAheey ku hami jiray inUu hal mar arko Wiil uu Dhalay Maanta wey ka wada tageen oo kan ugu Roon ayaa soo Booqda Bishii Hal mar, Laakiin Aabaheey Har iyo Habeen wuu Ooyaa asagoo ka Qoomameeya wixii uu hore u soo Falay. Haddaba, waxaa wanaagsan in aan Owlaadda loo kala Fiirin Gabar iyo Wiil, ee Allaah wuxuu ku siiyo waa in lagu Shukriyaa, ileen awoodda ilaah ayaa iska leh, immisa Gabdhood ayaan Aragnaa oo Maanta ka Wanaagsan Boqol Wiil, sidaasi darteed Allaah isaga ayaa Og Adoomadiisa, isaga ayaana kala Maamulanaayo Howlihiisa in Xukunkiisa laga Caroodo waa Qalad.
(ILAAHOOW GABADH IYO WIIL ADAA BIXIYEE EE BAARI INOOGA YEEL UBADKEENA)
Source:- ApdiiLah Iprahim Mohamed
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:40 and have
, Published at