Madaxda Al-Shabaab oo ku shirsan magaalada…

Madaxda Al-Shabaab oo ku shirsan magaalada…

daajis.com:- Wararka laga helaayo Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, ayaa sheegaya in Madaxda Ururka Al Shabaab uu shir kaga soconaayo Degmadaasi.

Shirkan, ayaa bilowday habeenkii Talaadada, waxaana la soo sheegayaa in weli uu ka soconaayo Degmadaasi Jilib. Faah faahin sax ah lagama haayo waxyaabaha ay Shabaabku kaga wada hadlayaan shirkaasi.

Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay inay la socdaan shirka Shabaabka kaga soconaaya Jilib. Sarkaalkaasi waxa uu iftiimiyay inay suurta gal tahay magac cusub oo ay Shabaabku kaga dhawaaqan Somaliya

Billihii ugu dambeeyay, ayay Madaxda Al Shabaab ku kala qaybsaneyd baaq kaga yimid Ururka Daacish, oo ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Ururkaasi wuxuu Shabaabku ugu baaqay inay ku soo biiraan.

Sarkaalkan, ayaa ku waramaaya inay xogta ku helayan in shirkaasi laga soo wada qaybgeliyay Gudoomiyayaasha Shabaabka ugu magacaaban Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.

Shirkan waxaa la dhihi karaa waxa uu ku soo beegmayaa, iyadoo guluf ka dhan ah mintidiinta uu ka soconaaya Gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose. Si looga saaro goobaha ay ka jooggaan Goboladaasi.

Ciidamada Dowladda, Amisom iyo Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, ayaa dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyay ka wada Gobolka Gedo, iyadoona uu yoolku yahay sidii gacanta Al Shabaab looga saari lahaa Degmada Baardheere.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada