War Deg Deg Ah Weerar Ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo lagu galay Hotelada Wehliye iyo Siiyaad

War Deg Deg Ah Weerar Ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo lagu galay Hotelada Wehliye iyo Siiyaad

daajis.com:- Waxaa Goordhaw Qaraxyo Ismiidaamin ah iyo mid toos ah lagu qaaday Hotelka Wehliye ee kuyaala Laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, waxaana xiligan si weyn loo maqlayaa rasaas aad u culus.

Qaraxa koowaad ayaa waxa uu ka dhacay qeybta dambe ee Hoteelka Wehliye halka Qaraxa labaadka uu ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogeyn hoteelka sida ay noo sheegeen dad ku agdhawaa hoteelka.

Qaraxyo iyo rasaas ayaa ka dhex socta gudaha Hoteelka waxaana la soo sheegayaa in gudaha ay ku jiraan rag hubeesan oo katirsan Alshabaab, waxaana Hotelka isku gadaamay ciidamo badan oo katirsan Nabad Sigida Qaranka

Dhinaca kale Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Weerar isna lagu qaaday Hotel ka Siyaad oo kuyaala Agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaa isna Hotelkaasi laga maqlayaa rasaas iyo qaraxyo

Rag hubeesan oo katrsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Hotelka Siyaad ee kuyaala Magaalada Muqdisho , waxaana dhismaha Hoteelkaasi laga maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhac dhaxeysa gudaha Hotelka iyo agagaarkiisa.

Qaraxyada iyo rasaasta ayaa geystay khasaaro kala duwan oon la ogeyn inta ay la egyihiin, xaalada ayaana caawa ah mid qasan waxaana dhacaya rasaaskala duwan ay riyadaan Ciidamada Dowlada.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada