Wasiir Culus oo hadlay & Diinsoor oo si rasmi ah loo qabtay..

Wasiir Culus oo hadlay & Diinsoor oo si rasmi ah loo qabtay..

daajis.com:- Wasiir C/qaadir Sheekh Cali Diini oo Saakay la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa AMISOM ay saakay gacanta ku dhigeen deegaanadii yar yaraa oo Maleeshiyada Al-shabaab ay kaga sugnaayen Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.



Waxa uu sheegay in Ciidamada is garabsanaaya ay aroornimadii Saakay oo Jimco ah ku jarmaaden Tuullooyin iyo Xaafado ay heysteen Al-shabaab sidaana Salaad subax kadib ugu suuragashay inay gacanta ku dhigaan deegaanada u harsanaa.


Wasiirka Gaashaandhiga, ayaa waxa uu tilmaamay in qabashada Degmada Diinsoor iyo Tuullooyinka hoostaga ay daba socoto qorshihii maalin ka hor Maleeshiyada Al-shabaab loogala wareegay Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.


Sidoo kale, Wasiir Diini waxa uu carabka ku dhuftay in uu sii socon doono gulufka Militari ee ku foorara dhulka ay ka arrimiso Al-shabaab, si dhulkaasi loo gaarsiiyo Maamulka Dowladnimo.


Dhanka kale, Wasiir C/qaadir Diini ayaa xusay in dhulka laga saaraayo Al-shabaab laga hirgelin doono Maamulo, kuwaa oo ku imaan doono buu yiri rabitaanka dadka deegaanka, wuxuuna meesha ka saaray in Dowladdu soo magacaabi doonto Maamuladaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada