Wasiirka Gaashaandhigga oo xariga ka jaray xafiisyo cusub oo leeyihiin Ciidanka Cirka (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga oo xariga ka jaray xafiisyo cusub oo leeyihiin Ciidanka Cirka (Sawirro)

daajis.com:-   Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta xariga ka jaray dhisme cusub oo leeyihin ciidanka Cirka Soomaaliya oo laga dhisay xarunta afisyooni, kuwaas oo dib u dayactir iyo qalabayn lagu sameeyey, waxana xafiisyadani ay qayb ka yihiin qorshaha dib loogu dhisayo ciidanka Soomaaliya, iyadoo munaasabadda furitaanka ay ka qayb galeen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Guuto Daahir Aaden Cilmi, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha ciidanka badda Admiral Madeey Nuur ,Taliyaha ciidanka cirka Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali “Dable Baylood” iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ciidanka cirka Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali, ayaa sheegay dhismaha xafiisyada cusub in ay gacan ka siiyeen dowladda Imaaraadka Carabta, sidoo kalana dhinacooda ay bixiyeen qayb kamid ah qarashka, isagoo xusay dhismaha xafiisyadan in ay door ka qaadan doonaan horumarinta iyo shaqada ciidanka Cirka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa xusay wasaaradda gaashaandhiggu in ay gacan buuxda ka gaysan doonto sidii mar-kale ay cagahooda isugu taagi lahaayeen ciidanka Cirka oo ah qayb muhiim ah.




“Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaan dadaal ugu jirnay dhismaha ciidanka Cirka oo qayb ka ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, waxaan sii wadi doonaan dhismaha ciidanka, maanta waxaan u joognaa qayb muhiim ah oo kamid ah dhismaha ciidanka cirka kuwaas oo yeeshay xafiisyo ay ku howlgalaan” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Gen. C/qaadir ayaa xusay qayb walba oo kamid ah ciidamadda Xoogga dalka in ay heli doonaan adeegyadii ay ku howgali lahaayeen, dowladduna ay ku howlan tahay sidii arrimahaas oo dhan u noqon lahaayeen kuwa taaba gala.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada