daajis.com:- Wararka Naga Soo gaadhay Magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sjh Axmed Maxamed Islaam oo maalintii shalay ka hadhay wafdigii Gaas ee Gaadhay Magaalada Nairobi,ay manta gaadheen Gaalkacayo,Waxayna Wafdigan goordhaw gaadheen dhanka Koonfurta Magaalada.
Wafdiga iyo Wafdi ka soo tagay Magaalada Qardho oo uu Hogaaminayo Ra’iisulwasaraha Soomaaliya ayaa isugu tagay Magaalada Gaalkacayo,waxayn labada Wafdi Shirar gooni gooni ah la leeyihiin Madaxwaynaha Maamulka Galmudug C/Kariim Guuled oo horay oogu sii sugayey labada Wafdiga Koonfurta Magaalada Galkacayo.
Qorshaha Ra’iisulwasaare CCC Sharmake ayaa ahayd in uu halkaas kulamo kula qaato Wafdiga Cadaado ka imanayey ee uu Hogaaminayo Madaxwaynaha Maamulka Galmudug C/Kariim Guuleed,wuxuuna CCC Sharmake oo doonayaan in uu la socodsiiyo halka uu marayo qorshe la doonayey in lagu qaboojiyo Xiisada dagmooyinka Muranku ka taaganyahay.
Qoraalka Xafiiska Ra’iisulwasaraha Soomaaliya saaka ka soo baxay,ayaa wuxuu hordhac u ahaa,wax la doonayo in loo sheego C/Kariim guuleed,waxayna taasi ka dhigan tahay in Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariim Guuleed uu yahay shaqsiga doonaya in xal waar loo helo arinta Colaada deegaanada dooda adag ka taagan tahay.
Wararka qaar ayaa sheegaya In Axmed madoobe Sababta uu u Gaalkacayo u gaadhay ay tahay diyaaradii Kismaayo u sooq aadi lahayd oo Magaalada Garowe ka dagi wayday jawiga oo xumaa awgii,isla Markaan ay soo dagtahay garoonka Magaalada Gaalkacayo,sidaasna oo doonayo in uu oga soo dhoodfo Halkaas.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at