daajis.com:- Warqad digniin ah oo ay soo saareen Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa loogu cago jugleeyay Jaamacadda Simad, oo ka mid ah Jaamacadaha ugu ballaaran ee maanta ka jira Magaalada Muqdisho.
Warqadda waxaa lagu sheegay Jaamacadda Simad inay ka mid tahay Xarumaha Dowladda Federalka Somaliya, waxaana shacabka looga digay inay isaga fogaadaan.
Al Shabaab waxay ku goodisay inay beegsanayso Jaamacadda, isla-markaana aynaan waxba kaga duwanayn Xarumaha Dowladda Federalku ku lee dahay Magaalada Muqdisho.
Nuqul ka mid ah warqadan oo lagu dhejiyay gidaarka Masaajidka Abu Hureyra Ee Suuqa Bakaaraha, ayaa dareen baqdin leh waxa uu ku keenay dadka reer Muqdisho.
Barraha Internet-yada ee bulshada ku wada xiriirto, ayaa waxaad ku arkeysaa iyadoo dadku ku hadalhayan digniinta, ay markaan Shabaabku duldhigeen Jaamacadda ku taala Xarunta Somaliya.
Saqdii dhexe ee xalay, ayay ahayd markii qarax culus uu ka dhacay afaafka hore ee Simad University, waxaana la soo sheegayaa in ugu yaraan laba ruux oo rayid ihi, ay ku dhaawacantay.
Simad waxay noqonaysaa Jaamacaddii ugu horeysay oo Magaalada Muqdisho ku taala, una hanjabaan Shabaabka hubeysan ee ka dagaalamaaya Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:30 and have
, Published at