daajis.com:- Haweeney asalkeedu Soomaali yahay oo lagu magacaabo Faadumo Axmed ayaa noqotay haweeneeydii ugu horeesay oo darajada Sareeyo guuto ka gaarta Ciidamada Dalka Kenya.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa maalintii shalay aheed waxa uu dalacsiiyay 14-sargaal oo katirsan Ciidamada Dalka Kenya, waxaaa saraakiishan ku muteesteen in la dalacsiiyo waxqabad muuqda ay la yimaadeen.
Faadumo Axmed , ayaa kamid aheed Saraakiisha Ciidamada uu dalacsiiyay Madaxweyaha Dalka Kenya, waxaana gabadhan Soomaaliyeed lagu amaanay doorkii muuqday ay kasoo qaadatay howlaha Ciidamada Kenya.
Haweeneydan Soomaaliyeed ayaa ciidamada Dalka Kenya ku biirtay sanadii 1983-dii , waxa ayna kamid noqotay haweenka ka shaqeeya howlaha Ciidamada Dalka Kenya, waxa ayna sanado kadib noqotay Taliye ku xigeenka labaad ee ciidamada Cirka Kenya.
Faadumo Axmed , ayaa sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabatay Ciidamada Dalka Kenya, waxa ayna masuul kasoo noqotay howlaha hanti dhowrka ciidamada. Maamulka, shaqaalaha iyo diiwaankooda , waxa ay sidoo kale taliye kuxigeen ka noqotay horin Ciidamo ah.
Haweeneydan Soomaaliyeed ayaa noqotay haweeneydii ugu darajo sareeyay ee Ciidamada Dalka Kenya, waxa ayna wax ka baratay kana qalinjabisay Mac’hadka difaaca Qaranka ee Jaamacadda Nairobi qeybteeda Diblomaasiyadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, waxa ay sidoo kale jaamacada Strathmore ee magaalada Nairobi ka baratay Cilmiga Maareynta howlaha Xafiisyada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:00 and have
, Published at