Dhageyso:- Mr Amerika oo ka hadlay Safarka uu ku marayo Gobalada Dalka.(Sawiro)

Dhageyso:- Mr Amerika oo ka hadlay Safarka uu ku marayo Gobalada Dalka.(Sawiro)

daajis.com:- Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa sheegay in socdaalkiisa ay la xiriirto sidii uu bulshada u tusi lahaa inay dalka ay ka jirto Nabad, isla markaana ay shacabka isaga kala gooshi karaan meelkasta oo ay rabaan.

 HALKAAN KA DHAGEYSO


Maxamed Cali Ameeriko oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in muddo 8-sano kaddib markii uu xilka safiirnimada wareejiyay uu socdaal ku tegay dalka dibadiisa oo uu casuumaad ka helay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku dhaqan, waxaana uu intaa ku daray in markii uu dalka dib ugu soo laabtay uu casuumaad ka helay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.



Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya ayaa xusay in sidoo kale uu socdaal ku tegi doono deegaannada dowlad goboleedka Galmudug oo uu martiqaad ka helay madaxweynaha Maamulkaasi, waxaana uu ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay deegaannadii uu socdaalkii ku tegay.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada