daajis.com:- Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa isku diyaarineysa marti galinta shirka la doonayo in maamul loogu sameeyo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.
Waxaan wali go’aan rasmi ah laga gaarin halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta, waxaana tartan ugu jira marti galinta shirkaasi Magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar oo xarumo u ah labada Gobol ee Maamulka loo sameenayo.
Maamulka Magaalada Baladweyne ayaa bilaabay dhismaha hool weyn ay ugu talagaleen in lagu qabto shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna rajo ka muujiyeen in Baladweyne marti galin doonto shirkaasi.
Hoolkan oo ah mid aad u weyn ayaa laga dhax dhisay xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Magaalada Baladweyne, waxaana wali socda dhameestirka hoolkaasi loogu tala galay in lagu qabto shirka maamul u samynta labada Gobol.
Waxaa isbadal ku yimid jadwalkii loogu tala galay in shirka Maamul u sameynta uu ku furmo, waxaana wali taagan muran ka dhashay sida loo qeybsanayo ergooyinka ,Xubnaha guddiga farsanada maamul u sameynta iyo halka xarunta u noqon doonto maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Sh/Dhaxe.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:30 and have






