daajis.com:- Asalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuhu.
Wuxuu yiri:Abuu Cabdur-Raxmaan Cabdullah Ibn Mascuud(Allaha ka raalli noqdee).Waxaa noo xadiisay Rasuulkii Alle(scw) isagoo ah runle la rumeeye oo wuxuu yiri:
Qofka waxaa lagu uruuriyaa caalosha hooyadii isagoo candhuuf yar ah 40 maalmood inta in la’egna wuxuu ahaanayaa xinjiir yar,intaa in la’egna wuxuu ahaanayaa waslad yar oo hilib ah,markaasa loo soo dira malag wuxuu ku afuufaa nafta waxaana la fara afar erey oo kale ah:Inuu qoro arsaaqddiisa cimriigiisa,shaqadiisa iyo inuu yahay shaqaabad ama saciid.
Waxaan kudhaartey Allaah aan Illaah kale jirin xaq lagu caabudo isaga ma ahee.Qofku wuuxu falayaa camaal reer jannaadka ilaa uu u jirsado in le’eg dhundhun,markaas haddii uu yahay qof loo qoray Naarta,Wuxuu falayaa camaal reer Naareedka ilaa uu u jirsado in le’eg dhundhun,marka haddii uu aha qof loo qorey Jannaadka,markasuu gelayaa Jannada.
Waxa wariyeey Al-Bukhaari iyo Musliim.
Haddaba waxaa la gudboon qof waliba inuu Illaahay baryo,inuu khaatimadiisa khayr ka dhigo.
Waxa kalo jira xadiis laga so weriyeey subanaheena(scw) oo kaso weriyeey,Abuu Hureyrah(Allaha ka ralli noqdee)inuu yiri Rasuulkii Illaahay (scw).Qofka Islaam wanaaggiisa waxaa ka mid ah inaanu faraha la gelin arrinmo aanu shaqo ku laheyn.
Waa xadiis Xasan ah,Waxaa weiyay At-Tirmidi iyo kuwo kale.
Xadiiskani waa edbiinta nafta iyo la xisaabtankeeda,sabaabto ah waxaa dhab ah in dadku u badan yahay inay waqtigooda qaaliga ah badankiisa ku tabiyaan wax aaney waxba ugu jirin,marka waa in qofku miisaamo falkiisa iyo hadalkiisa waa inuu ogaado siday arimuhi xiriir ula leeyihiin noloshiisa,kaddib wixii wax u taraya adduunkiisa ama aakhiradiisa uu ku dhaqaaqo.Wixii aan waxba faaido u laheyna waa inuu ka gaabsado,waa in aanu faraha la gelin arrimaha dadka kale khuseeya ee u gaarka ah.
1-In qofku ilaaliyo ficilkiisa iyo hadalkiisa kuna abbaaro meel ku haboon.
2-Inaan faraha lala gelin arrimo aaney waxba ka gelin.
3-Inuu qofku u jeediyo awooddiisa wax isaga anfacaya ama dadka kale wax u taraya.
Xadiis kale aya jirta oo ka hadleysa (Sidaad dadka ula dhaqmeyso xaga adamiga iyo xaga eebaha(Swt)..
Waxa laga soo wariyey Abuu Jundub Ibn Junaadah iyo Abuu Cabduraxmaan Mucaad Ibn Jabal(Allaha ka wada raali noqde) inay ka weriyen Rasuulki Illahay(scw) inuu yiri,Alla ka cabso,meel kasta oo aad joogtiid,xumaantana raaci samaan tirtirta,dadkana dabecaad fiican kula dhaqan.
Waxa weriyay At-Tirmidi wuxuuna yiri waa xadiis Xasan ah.
Xadiis kani waxu ka hadlaya anshaxa qofka muslimka ah,xagaa illahay iyo xaaga adamigaba, xagaa illahay waa inuu iska dhowro meel kasta oo uu joogo ku xad guduubka sharciga iyo xuduudda Illahaay(swt).
Xagga dadka wuxuu faray xadiiskani in qofka muslimka ah kula dhaqmo dadka dabecaad wanaagsan,taaso ah inaad dadka nabad geliso oo aan dhibkaaga gaarsin kaddibna aad wax u tartid dadka kale adigoon wax abaalgud ah ka sugin,waa in dadka dheeftaadu gaarto dhiibkaaguna gaarin waa sidaas dabeecadda fiican…
Nabiga (Scw) waxu xadis ku sheegey in Alle(swt) ka cabsidisa iyo Akhlaaqdu janada ku khasbaneyso, Illaahay ha inaga dhiigo kuwi janada ku khasbada raali ahanshaha eebe swt.
Hadaad qalaado ka araagtan waxay ka ahaaday nafteyda iyo shaytaan waxan saxayna xaaga illaahay ka ahaaday wana ugu mahadnaqaya.
W/Q:Walaashiiin oo jeceel inaad khayrka la qaybsadaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:08 and have

