daajis.com:- Qaraxii Cuslaa ee 17-dii bishan Agoosto ka Dhacay Dalka Thailand ayaa waxa loo soo qabtay nin la sheegay inuu u dhashay dalka Turkiga.
Ninkan u dhashay dalka Turkiga, ayaa waxaa laga soo qabtay Deegaanka Nong Jok, ee duleedka Magaalada Bangkok ee Caasimadda Wadanka Thailand.
Booliska dalka Thailand ayaa gudaha u galay dhisme uu ku noolaa ninkaasi, Dhismahaasi waxaa laga helay waxyaanaha laga sameeyo qaraxyada iyo 10 xabo oo basabooro ah. Ma cadda dalalka laga lee yahay basabooradaasi.
Afhayeen u hadlay Booliska Thailand oo lagu magacaabo ayaa sheegay ninkaasi in lala xiriirinaayo ninkii la shaaciyay inuu ka masuulka ahaa qaraxaasi.
Afhayeenka ayaa sheegay ninka maanta gacanta lagu soo dhigay uu yahay nin ajnabi ah, isagoo hoosta ka xariiqay inuu ka tirsan yahay argagaxisada caalamiga ah, sida uu yiri.
Laamaha ammaanka Dalka Thailand oo aqoonsaday muuqaalka ninkii qaraxaasi ka dambeeyay, ayaa soo bandhigay sawirkiisa dhabta ah. Ninkan ayaa kaamirooyinka cctv-ga ka soo muuqday isagoo qaraxa dhigaya kursi ku yaalay banaaka hore ee Qabuurahaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:00 and have





