daajis.com:- Ciidamada Axmed Madoobe ee maamulka Jubba ayaa ku dhaqaaqay tallaabo kale oo shaki abuuri karta kadib markii ay toogteen nin la sheegay inuu saarnaa Gaarigii maanta isku qarxiyay xerada tababarka ee ciidamada dowladda Ninkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Sankuus ayay ciidamada Axmed Madoobe markii ay hayeen saacado la baxeen oo ay toogasho ku dileen galabta iyadoo aan wax maxkamad ah la soo taagin lana baarin.
Ninkan ayaa la ogaa inuu saarnaa gaariga NOAHA ee qaraxa laga soo buuxiyay ilaa gudaha magaaladana uu soo dhaafiyay, isla markaana uu ka degay markii uu xerada soo geliyay.
Ciidamada Axmed Madoobe oo si degdega u toogtay nin loo heystay qaraxii maanta (Shaki cusub)
Qaar kamida saraakiisha dowladda ee xerada ayaa ku eedeeyay kooxda Axmed Madoobe inay ka dambeeyeen qaraxa lala beegsaday ciidamada isku dhafka ee Kismaayo ku sugnaa, iyagoo soo bandhigay caddeymo dhowr ah.
Waxaa kaloo jira rag kale oo lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen qaraxan oo ciidamada Axmed Madoobe ay gacanta ku hayaan.
Dilka degdegga ah ee lagu fuliyay Xasan Sankuus ayaa xaaladda uga sii daraya, waxaana dilkiisu noqonayaa mid shaki hor leh keena, iyadoo aan maamul sharci ah laga fileyn inuu ku dhaqaaqo dil ka baxsan qaanuunka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 14:47 and have

