Daawo:- Labo Saxafi Mareykan ah oo la dilay, iyagoo si toos ah war u tabinaya

Daawo:- Labo Saxafi Mareykan ah oo la dilay, iyagoo si toos ah war u tabinaya

daajis.com:- Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay shaqaalaha TV Mareykanka ku yaalla iyadoo si toos ah loogaga tabinayay barnaamij muuqaal ah, waxana rasaastaas ku dhintey labo saxafi.

Xabadaha ayaa billowday iyadoo weriyaha iyo qof sawir qaade ah ay wareysanayeen haweeney ku sugneyd meel laga dukaameysto oo ku taalla magaalada Roanoke ee koonfurta galbeed ee gobolka Virginia.

Taleefishinka ka shaqeeya gudaha gobolka Virginia ee lagu magacabo WDBJ ayaa sheegay in weriyaha iyo sawir qaadahaba ay isla goobta ku dhinteen.

Labada qof ayaa kala ahaa Weriye Alison Parker oo 24 jir ahayd iyo sawir qaade Adam Ward oo 27 jir ahaa.

Dilka saxafiyiintan ayaa waxaa ka dambeeyay Vester Lee Flanagan oo ahaa weriye hore ugaga shaqeyn jirey Tv-gan isagoo isla goobta isku diley.

Flanagan, oo ah nin Maraykanka madow ka soo jeeda ayaa qoray waraaq uu ku sheegayo in isir neceyb loogu diiday in uu qabto shaqo uu u qaban karay taleefishinka.

Arrintan ayaa lama filaan ku noqotay shacabka Maraykanka iyadoo hore dad cadaan ah u dileen dhalinyaro madow ah ayaa waxaa haatan la diley labo ruux oo caddaanka dalka Maraykanka ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada