Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Diinsoor

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Diinsoor

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, halkaasoo bishii hore laga saaray Al-Shabaab.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan, waxaana ka sii horeeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu la kulmo Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana uu ka hadli doonaa arrimaha bani’aadanimo ee ka jirta degmada iyo in gar-gaar la gaarsiiyo.

Ammaanka degmada Diinsoor ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana Madaxweynaha kaga sii horeeyay Ciidamo gaar ah oo ammaankiisa sugaya, kuwaasoo diyaarad lagu geeyay.

Booqashada Madaxweynaha ee Diinsoor ayaa noqoneysa tii u horeysay ee uu ku tago, kadib markii magaaladaas ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.


Madaxweynaha ayaa horay u booqday degmooyin Al-Shabaab laga saaray.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada