DAAWO: Shiikh Shariif oo sheegay inay Waalan doonaan Soomaali badan haddii . . .

DAAWO: Shiikh Shariif oo sheegay inay Waalan doonaan Soomaali badan haddii . . .

daajis.com:- Madaxweynihii hore Dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa khudbad u jeediyay Soomaalida UK, wuxuuna ka hadlay arrimo fara badan oo ku saabsan xaaladda dalka, doorka looga baahan yahay qurba joogta iyo arrimo kale.

Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa shaki geliyay inay sax tahay dhalashada Soomaalinimada iyo beelaha ay ku abtirsadaan, isagoona sheegay in marka dalka laga hirgeliyo baaritaanka DNA-ga qoysas fara badan kala shaki xoog leh soo dhex gelayo.

Madaxweynihii hore wuxuu sheegay in Soomaalida ay qabiilka si xun u adeegsadaan, taasi oo uu sheegay in dhaqamada xunxun ee la caadeystay ay ka mid yihiin in beelo gaar ah lagu takooro sida guurka oo kale.
Waxaa kale oo Shariif Sh. Axmed uu ku booriyay Soomaalida UK inuu arko iyagoo dalkooda dib ugu laabtay, isla markaana ka qeyb qaadanaya dib u dhiska iyo horumarka dalkooda.

“Dalkaan aanu joogno daaraha qurxoon ee ku yaala sahal laguma dhisin, sidaas darteed Soomaalida UK waa inay u guntadaan sidii ay dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen” ayuu yiri Sheekh Sh. Axmed.


Dhinaca kale Ex Madaxweynihii Dowladda KMG ahayd ayaa sheegay inta qof ay ka fogaato dowladnimada ay ka sii fogaaneyso dadnimada, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dal horumaray markii la arko ay cadahay dadkiisa doorkii ay ku leeyihiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada