Daawo Muuqaal "Muran iyo is qab qabsi ka dhashay dhismo Macmal ah loo ekeysiiyey Kacbada oo Muqdisho laga dhisay!!

Daawo Muuqaal "Muran iyo is qab qabsi ka dhashay dhismo Macmal ah loo ekeysiiyey Kacbada oo Muqdisho laga dhisay!!

daajis.com:- Muran iyo is qab qabsi baaxad weyn ayaa waxaa la sheegay inay ka dhashay dhismo loo ekeysiiyey Kacbada oo laga dhisay magaalada Muqdisho islkamarkaana ay qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ay ka soo muuqdeen ayaga oo sidii Xajka oo kale ku dawaafaaya Kacbadaas. 


Kacbadaan laga dhisay magaalada Muqdisho oo ku taala Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loogu magac daray SAFA iyadoona dadka dhisay ay ku sheegeen inay ugu talagaleen inay dadka Soomaaliyeed ee u socda inay soo gutaan Xajka ay ku siiyaan tababar la xiriira soo gudashada waakjibkooda ka hor inta aysan u kicitimin dalkaas Sacuudiga, Laakiin arintaan ayaa waxaa ka dhashaay muran iyadoona qaar badan oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibada ay ka digeen arintaas islamarkaana ay ku baaqeen in la joojiyo arintaan oo ay ku tilmaameen mid aan banaaneeyn Diiniyan islamarkaana meel ka dhac ku ah Kacbada. 

Ugu dambeyntiina iyadoo uu murankaas ka dhashay arintaas ayaa waxaa jiray maalmihii ugu dambeeyey inay muuqatey qaar badan oo ka mid ah shacabka Soomaliyeed oo isugu jira rag iyo Dumar oo lagu arkaayey Kacbadaas Macmalka ah ayagoo ku dawaafaaya islamarkaana ay ka muuqato ayagoo ku labisan dharka Xajka madaxana soo xiirtay arintaas oo yaab badan ku abuurtey shacabka Soomaaliyeed, Culumada Soomaaliyeed ayaa waxay sheegeen inaan sinaba loo aqbali karin in la sharaf dilo Kacbada iyagoona intaas raaciyey inaan waajibaad diini ah lagu tababaran karin ilaa si sax ah loo guto mooyee. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada