daajis.com:- Banaanbaxyo waa weyn ayaa maalintii labaad waxa ay kasocdaan Magaalada Kuala Lampur ee Caasimada Dalka Malaysia, waxaana banaanbaxa isugu soo baxay kumanaan kun oo qof oo kasoo horjeeda R/Wasaaraha Dalkaasi.
Dad kor u dhaafaya 50-kun oo qof ayaa ayaa isugu soo baxay wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Kuala Lampur, dadkan ayaana wata hal ku dhigyo ay uga soo horjeedaan Ra’izul Wasaaraha Dalka Malaysia Najiib Razak.
Dibad baxayaasha ayaa ka careesan fal musuq maasuq la xariira oo lagu soo eedeeyay Ra’izul Wasaaraha Dalka Malaysia oo akoonkiisa gaarka ah lagu shubay kacag gaareysa 700-milyan oo Dollar oo katimid deeq bixiyaal caalami ah, waxa ayna ugu baaqeen R/Wasaaraha in uu is casilo.
Ciidamo fara badan ayaa lasoo dhigay wadooyinka Magaalada Kuala Lampur kuwaa oo isku dayaya in ay xakameeyaan dadka dhigaya dibad baxa, waxa ayna Ciidamada si weyn u adkeeyay amaanka xarumaha Dowlada .
Dowlada Malaysia ayaa ku guul dareesatay in ay baajiso dibad baxyada waa weyn ee kasocda Magaalada Kuala lampur, waxaan dibad baxa qeyb ka ah Xubno siyaasiyiin ah uu ku jiro R/Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Maxamed oo ugu baaqay dibad baxayaasha in ay sii wadaan banaabxa inta uu iska casilayo R/Wasaaraha.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:50 and have





